Tottenham Hotspurs ayaa 4-0 ku Garaacay AFC Bournemouth (Daawo)

Tottenham ayaa sii wadata qaab ciyaareedka layaabka leh ee ay ku soo jirtay waxayna White Hart Lane ku xasuuqday kooxda Bournemouth iyada oo Harry Kane oo markii ugu horaysay shaxda Spurs ku soo bilawday tan iyo markii uu dhaawaca ka soo laabtay uu shabaqa soo taabtay si uu u gaadho heer gool dhalin oo ay soo gaadheen saddex gool dhaliye oo kaliya taariikhda Premier Leaque-ga. Tottenham ayaa markii ugu horaysay taariikhda kooxdeeda 12 kulan oo xidhiidh ah guulo ku soo gaadhay White Hart Lane.

Guushan ayaa Tottenham ka caawisay in ay ka hor kulanka Man United iyo Chelsea ay afar dhibcood oo kaliya ku soo yaraysay farqigii dhibcaha ee u dhexeeyay kaalinta kowaad. Waxaa Tottenham guushan ku hogaamiyay Dembele, Son, Kane iyo Janssen oo min hal gool dhaliyay waxayna sugayaan haddii Manchester United ay ka guulaysan doonto Chelsea si ay taabasho ugu jiraan kooxda Antonio Conte.

HOOS KA DAAWO

https://youtu.be/4e-fdNhPOk0


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com