(Daawo Sawirro) Dowladda Puntland iyo AMISOM oo isla gaaray wadaxaajood is-faham ah.

Muqdisho, Dec, 2016 – Wafti uu hoggaaminayo M/kuxigeenka dowladda Puntland Engineer C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo uu wehliyo Guddoomiyaha baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa ayaa dhawaan xerada Xalane shir saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kula qaatay Madaxda AMISOM.

Warar dheeraad ah oo Radio Daljir ay ka heshay ilo xog’ogaal ah ayaa muujinaya in AMISOM ay madaxda Puntland ugu hambalyaysay guusha ay ka gaareen la dagaalanka kooxaha xagjirka ah sida dagaalladii Suuj iyo Garmaal ee looka adkaaday kooxda Al-Shabaab, iyo dib usoo celintii degmada Qandala ee gobolka Barri.

Kulanka ayaa lagu korfeeyay suurto-galnimada iskaashi Malatari oo dhexmara Puntland iyo AMISOM, gaar ahaan in si guud loola dagaalamo kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa fududeeyay Xiririyaha AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya Mudane Saleebaan Cabdulle Salaad iyo Ganacsade Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaannada Puntland, laguna magacaabo Saleebaan Ashkir, kaasoo inta badan ka shaqeeya hormarinta bulshada, dowlad-wanaaga, iyo iskaashiga hay’adaha dowladeed ee maamullada iyo DF.

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in labada dhinac ay yeeshaan kulamo kale oo lagu sii xoojiyo iskaashiga la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir,

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com