Daawo Sawirradii aaskii loo sameeyey madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 February 2017 Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen. Maxamuud  Muuse Xirsi Boqor.

Ka qayb galka aaska qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Puntland marxuum
Gen. Cade Muuse Xirsi Boqor ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Ra’iisul wasaaraha DFS Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS, Issimada iyo waxgaradka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo saraakiisha ciidamadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada PSF, PMPF iyo ciidamada Baan-boyda ee Dawladda Puntland.

Sidoo kale ciidamada ayaa salaan sharaf iyo muusiga baroordiiqda ku sagootiyey maydka marxuum Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Boosaaso.

Salaadda jinaasada ka dib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca goloyaasha Dawladda Puntland iyo kan shacabka Puntland waxa uu  uga tacsiyeeyey shacabka Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ka baxay Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Cade Muuse Xirsi Boqor.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Cade Muuse uu ahaa shakhsi wanaaga iyo wadaniyadu had iyo jeer ku weyn tahay isla markaana ummadda Soomaaliyeed ay jecelaayeen.

‘’Inna lilaahi wa Innaa ilayhi raajicuun, waxaan anigoo ku hadlaya magaca Dawladda Puntland iyo shacabkeeda uga tacsiyeeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland  meelkasta oo ay joogaan geerida Madaxweyne Cade Muuse, Madaxweyne Cade Muuse waxa uu ahaa qof wanaagsan, qof ummadda Soomaaliyeed dhammaantood ay jecel yihiin, nin denbi yar sidaan qirnay dhammaanteen, weliba waxa uu ahaa  nin geesi ah, xabiib ah, Soomaali ah, illahay ha u naxaarinsto denbigiisana ha dhaafo qabrigana alle ha u waasiciyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ra’iisulwasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isna dhankiisa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland, eheladii,asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Cade Muuse Xirsi Boqor uga tacsiyeeyey geerida ku timi marxuumka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in marxuumku uu ahaa shakhsi ay ku beeran tahay wadaniyadu, isla markaana markasta uu ka qaadan jirey talo iyo tusaale wanaagsan mudooyinkii kala duwanaa ee uu Ra’iisal wasaaraha ahaa.

Dhinaca kale  Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa hadalo kooban oo tacsiya ka jeediyey salaadii Jinaasada ee marxuumka, sidoo kalena isimada iyo wax garadka Puntland ayaa dhankooda tiraanyada la wadaagey Shacabka Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed geerida Ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland, waxaana ay dhamaantood isla qireen in Gen. Cade muuse uu ahaa shakhsi had iyo jeer ka shaqeeya nabada, jecelna horumarka iyo dib u hoshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.       IMG_0022IMG_0044IMG_0046IMG_0052IMG_0060IMG_0061IMG_0069IMG_0073IMG_0095IMG_0107IMG_0110IMG_0112IMG_0115IMG_0130IMG_0136IMG_0145IMG_0161IMG_0164IMG_0174IMG_0182IMG_0197IMG_0212IMG_0220IMG_0226IMG_0257IMG_0263IMG_0269IMG_0273IMG_0276IMG_0294IMG_0296IMG_0298IMG_0299IMG_0300IMG_0305IMG_0313IMG_0318IMG_0324IMG_0332IMG_0335IMG_0356IMG_0363IMG_0367IMG_0374IMG_0379IMG_0387IMG_0404IMG_0414IMG_0416IMG_0431IMG_0443IMG_0461IMG_0477IMG_0489IMG_0518IMG_0524IMG_0553IMG_0557IMG_0580IMG_0589IMG_0597IMG_0603IMG_0609IMG_0610IMG_0612IMG_0614IMG_0616IMG_0619IMG_0641IMG_0646

 

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com