Daawo Sawirada Maxaabiista Shabaab oo caawa Garowe lau soo bandhigay

Garowe, March, 21, 2016 Maxaabiistii Alshabaab ee lagu soo qabqabtay dagaalkii maalinimadii shalay 20-March-2016- kadhacay Togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal ayaa Caawa fiidkii lagu soo wareejiyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland

Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno taas oo muujinaysa khatar ay sharwadayaasha alshabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maandoorinayaan maskaxda carruurta yarar.

Maxaabiistaas oo diif iyo diihaal badani ka muuqdey ayaa durbadiiba saraakiisha iyo hawl wadeenada xabsiga weyne ee Garoowe waxay bilaabeen daaweynta dhaawacyada, daryeelka, quudinta iyo sidii loo siin lahaa xannaano wanaagsan.

Ugu dambayntii, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada sare iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa  waxay waraysiyo ku saabsan maxaabiitaasi goobihii ay kayimaadeen iyo sababaha ay Puntland u yimaadeen iyo mabaadii’da ay aammin san yihiin la yeesheen dhammaan maxaabiistii xabsiga lagu soo wareejiyey.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com