Daacish oo Sheegatay weerar lagu Qaaday Jakaarta

 
Khamiis, Janaayo 14, 2016 (Daljir) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay aas qaran oo loo sameeyey Abwaankii weynaa Cali Sugulle (Dun-Carbeed) oo ka mid ahaa hal abuuradii Ugu yaraan toddobada qof oo ay ku jiraan shan ruux oo fuliyay weerarradan ayaa ku dhintay, kaddib weerarro qaraxyo & kuwo toos ahaa isugu jiray oo maanta lagu qaaday Magaalada Jakarta ee xarunta Indonesia, Waxaana sheegatay mas’uuliyadda weerarrada kooxda Islaamiga ah ee ISIS/Daacish.
 
Kooxda Daacish ayaa warbixin ay soo dhigtay baraha Internet-ka waxay ku sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarradaas kooxo ay xiriir leeyihiin oo Indonesia ku sugan, ayna beegsadeen xaafad bartamaha magaalada Jakarta ku yaalla oo ay ku yaallaan dhismayaal muhiim ah.
 
Afhayeenka booliiska Indonesia, Anton Charliyan ayaa markii weerarradaan ay dhaceen u sheegay warbaahinta inay ahaayeen kuwo ay ka dambeyso kooxda ISIS, ayna weerarradan ahaayeen kuwo u muuqaal eg kuwii ay ISIS ku qaaday Paris.
 
Weerarradan ayaa billowday kaddib markii aroornimadii saakay ay qaraxyo ay ka dhaceen dhismayaal ay ku jiraan hoteello iyo goobo laga dukaameysto, waxaana la sheegay inay ka dhaceen qaraxyo tiradooda lagu sheegay lix qarax.
 
Saraakiisha ciidamada booliiska Indonesia ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay weerarro ku qaadeen goobo kala duwan oo bartamaha magaalada Jakarta ku yaalla, isla markaana ay dhexmartay rasaas socotay muddo saacado ah kooxaha hubeysan iyo ciidamada booliiska, ugu dambeynna la dilay shantii qof ee weerarrada soo qaaday, sidoo kalena ay ku dhinteen laba qof oo u kala dhashay dalalka Canadian iyo Indonesia.
 
Waddada weyn ee Thamrin oo ah halka ay ka dhaceen weerarradii ugu cuslaa ayaa waxay sheegeen booliisku inay ka heleen waxyaalaha qaraxa oo midi ay ahayd mid weyn, shanta kalena ay ahaayeen kuwo yar-yar oo aan weli qarxin.
 
Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in tan iyo bishii November ee 2015-ka ay kooxda ISIS ka helayeen han-jabaadyo ah oo ahaa inay magaalada Jakarta ka fulinayaan qaraxyo waaweyn.
 
“Intii lagu jiray dabaal-dagga ciiddii masiixiga iyo tii sannadkan 2016, ay kaga imaanayeen Daacish hanjabaadyo ah inay ka fulin doonaan Jakarta, kuwaasoo ahaa kuwo isku mid ah oo waqti isku mid ah dhacaya, tan iyo xilligaas waxaa jirtay cabsi weyn,” ayuu yiri Frans Demon oo ka tirsan dowladda Jakarta.
 
Qarax weyn ayaa ka dhacay goob shaaca laga cabo lagana dukaameysto oo ay inta badan tagaan dadka ajaanibta ah oo ku yaalla bartamaha Jakarta. Inkastoo ay booliisku sheegeen inuusan geysan wax khasaare ah.
 
“Dhismahan waxaa ku yaalla dukaamo waaweyn, maqaahi kafeega laga cabo iyo xafiisyo. Waxaana dhismaha la weeraray uu ku yaallaa meel qiyaastii 50-mitir u jiraan xafiiska QM ee Jakarta, isla markaana ay waxay safaaradda Mareykanka ee Indonesia u jirtaa qiyaastii 400 illaa 500 oo mitir. Sidoo kalena kama foga xarunta madaxtooyada,” ayuu hadalkiisa ku daray Frans Demon.
 
Goob-joogayaal ayaa iyaguna sheegay in qarax u muuqday mid is-miidaamin ah uu ka mid ahaa qaraxyada dhacay, balse booliiska ayaa beeniyay warkaas, iyagoo xusay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo gacanta ah oo ay soo tuureen kooxo watay dhug-dhugleey.
 
Ugu dambeyn, madaxweynaha dalka Indonesia, Joko Widodo oo ka hadlay TV ku yaalla Jakarta ayaa cambaareeyay weerarradan, isagoo ku tilmamaay kuwo ar-gagaxiso, isagoo ugu deeqay ciidamada ammaanka inay xaaladda amni adkeeyaan lana tacaalaan kooxaha argagaxisada ah.
 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com