Daacish iyo Ciidamada (PSF) Puntland oo maalintii 2aad ku dagaalamaya deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari

Daacish iyo Ciidamada (PSF) Puntland oo maalintii 2aad ku dagaalamaya deegaanka Timirshe ee  Gobolka Bari

Deegaanka Timirshe oo katirsan degmada iskushuban ee gobolka Bari waxaa maalintii labaad ku dagaalamaya ciidamada PSFta iyo Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuralayda Calmadow.

Ciidamada ayaa shalay kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso, kadib markii ay heleen xogka kooxda Daacish ee ku sugnaa deegaanka Timirshe.

Dagaalkii shalay ayaa ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwn.

Gobjooge ay lahadashay Radio Daljir oo magaciisa uqariyay sababo Amni ayaa Daljir u xaqiijiyay in dagaalka maalintii labaad uu socdo uuna jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilaa iyo dowladda Puntland wax war ah kama aysan soosaarin dagaalkan.

Cidamada Puntland ayaa maalmahan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish kula dagaalama Buuralayda Galgala ee gobolka Bari yo Buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com