Cumar Faaruuq: “Waa been lama bedelin magaca NUSOJ” (war saxaafadeed)

HomeWararka

Cumar Faaruuq: “Waa been lama bedelin magaca NUSOJ” (war saxaafadeed)

Hogaanka Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (NUSOJ) ayaa maanta iska fogeeyay sheegashada ah in magaca ururka la badalay, taasoo ay ku tilmaa

Dowladda Jarmalka: Jidka Garoowe-Gaalkacyo waa fashilmay waana la noqonay lacagtii mashruuca
Xubinta Sicirka & Suuqa | Qiimaha Maciishadda ee Suuqyada Bosaaso
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq ( dhegayso | daawo )

Hogaanka Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (NUSOJ) ayaa maanta iska fogeeyay sheegashada ah in magaca ururka la badalay, taasoo ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Omar Faruk Osman ayaa sheegay in magaca ururka NUSOJ aanan la badalain balse ay jiraan shaqsiyaad si beenabuur ah u sheegan jiray magaca ururka kuwaasoo markii ay runta ay arkeen go’aansaday in ay magac kale la baxaan.

“Hadaad marka hore been abuur la wareegeysay, hadana beenabuurkaadii unbaa la baxday. NUSOJ waa urur macruuf ah oo la wadayaqaano oo ay xubno ka yihiin suxufiyiin kala joogo gobolada dalka iyo dibada. Been abuur ka weyn ma jiro in qof aan marnaba xubin ka noqon ururka in uu sheegto,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

“Waxa aan maqleyno waa in ay ka waantoobeyn beenabuurkii ay ku hayeen ururka taasoo u keentay shaqsigii been abuurka waday in la maxkamadeeyo, dambiyo waa weyn uu faraha la galo” ayuu sii raaciyay Cumar Faaruuq.

Xoghayaha NUSOJ ayaa intaas ku daray in ay nasiib daro weyn tahay in shaqsiyaad sheeganaya in ay suxufiyiin yihiin ay ka shaqeeyaan dhibaateynta iyo jaha wareerinta suxufiyiinta iyo iska horkeenida dowladda iyo suxufiyiinta gaar ahaan ururka NUSOJ si dalka Soomaaliya magac xumo loogu soo jiido.

“Waxaan sii wadayna u hiilinta iyo difaacitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed, xoriyada saxaafada iyo xuquuqda shaqo ee suxufiyiinta, anagoon cidna ugu heybeysaneynin,” ayuu ku daray Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.

NUSOJ oo ah ururka kaliya ee uu aqoonsan yahay ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ ayaa waxaa sameystay suxufiyiinta Soomaaliyeed si loo difaaco danaha iyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Hoos ka daawo Waraysiga

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: