Cumar cRashiid: “Waa Qalad Weyn in Muwaadin Soomaaliyeed loo Gacangeliyo Itoobiya” (dhegayso)

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra’iisul-wasaaraha ka ahaa ay Itoobiya la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin. Sharmaake ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbidhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay. RW hore Cumar Cabdirashid ayaa u waramay laanta VOA.

Isaga oo sii hadlayay ayaa dhanka kale waxa uu khalad weyn ku tilmaamay in Cabdikariim Qalbidhagax oo uu sheegay inuu yahay muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyo Itoobiya.

 

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

One response to “Cumar cRashiid: “Waa Qalad Weyn in Muwaadin Soomaaliyeed loo Gacangeliyo Itoobiya” (dhegayso)”

  1. Xalweyste warkisa ya rabo doqon calol weyn

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com