Cumar Cabdirashiid: “Waxaan ka digaynaa muddo kororsi & xasilooni darro

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake kana mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ka hadlay shirkii natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ee Afisiyooni iyo waxa ka dhalan kara.

Cumar Cabdirashiid oo qoral soo dhigay Bartiisa ayaa waxaa uu sheegay in sababaha shirka loo fashiliyay ay tahay in la sameeyo muddo kordhin an heshiis lagu aheyn.

“Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan waa kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan ayu yiri” Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay arrimahaan oo kale lagula xisaabtamo hoggamiyeyaasha ka hor inta aysan xaaladdu sii xumaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com