Culumadda Somaliyeed oo ka digay Bandhig faneed lagu qabanayo Muqdisho (dhegayso)

Culumadda Somaliyeed oo ka digay Bandhig faneed lagu qabanayo Muqdisho (dhegayso)

Shir jaraa’id oo maanta Muqdisho ay ku qabteen Hay’adda Culimadda Soomaaliywed, ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga hortago Bandhig Faneed ay Fannaaniin Soomaaliyeed ay doonaayaan in ay ku qabtaan Muqdisho 20-ka Bishaan.

Bandhiggaan ayaa waxaa ka mid ah Fanaaniinta qaban doono Fanaanada Kiin Jaamac oo dhawaan Bandhig Faneed ku qabatay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo u hadlay Culimadda, ayaa wuxuu sheegay hay’ad ka mid ah Hay’adaha dowladda masuuliyiin ka tirsan inay ku soo dhaweeyeen Muqdisho fanaaniinta, kuwaasi oo qayb ka wada bandhig faneedka la qabanaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0