Dabaal daga Munaasabad lagu xusayeey dhalashadda Nabigeena Muxamad NNKH oo Garowe kadhacday (Sawiro)

Dabaal daga Munaasabad lagu xusayeey dhalashadda Nabigeena Muxamad NNKH oo Garowe kadhacday (Sawiro)

dabaaldega ballaaran oo la xiriira Xuska dhalashadda Nabigeena Muxamad Naxariis iyo Nabadgaliyo korkiisa ha ahaate ayaa galabta lagu qabtay fagaaraha weyn ee Barxada Garowe,taas oo hormuud ka ahayeen culumo awdiinka Ahlusunna Waljameeca.

Barxada ayaa lagu arkayeey dadweyne kala duwan oo isaga kala yimid xaafadaha ay ka koobantahay Caasimadda Garowe,kuwaas oo iyagu culumadda oo digrinaysa kala qayb galay digriga.

iyado dhamaan gobaladda dalka Somaaliya ay kadhacayaan Munaasabado lagu weynaynayo dhalashadda Nabigeena Muxamad NNKH ,Waxaana culumadda goobta ay ka jeediyeen khudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan sida muhiim u tahay in la weyneeyo dhalashadda Subanaheena Muxamad,waxaana Caawa Masaajidada waaweyn ee Garowe lagu qabanaya munaasabado kala duwan.

Qaar kamid ah Wariyaasha Radio daljir oo galabta tagay Barxada Garowe ayaa dadweynaha iyo culumadda kaso qaaday sawiro muujinaya munaasabada la isugu so baxay Barxada Garowe ee lagu weynaynayo dhalashadda nabigeena Muxamad NNKH.

Hoos Kadaawo Sawiradda Barxadda laga Soo qaaday

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com