Cudurka Duumada oo ka dilaacay gobolka Shabeelada Hoose

Afgoye,Jan 10 -Saraakiisha caafimaadka gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoosyimaada uu ka dilaacay cudurka Duumada, kaas oo saameeyay carruurta,haweenka iyo dadka waaweyn.

Cudurka Duumada ee ka dilaacay gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa lagu soo waramayaa dadka la gaarsiiyay cusbitaalka degmada Afgooye laga keenay tuulooyinka degmada hoosyimaada.

Cabdi Ibraahiim Abroone oo ka mid ah saraakiisha isbitaalka guud ee degmada Afgooye ayaa sheegay maalmihii ugu dambeeyay in lasoo gaarsiiyay cusbitaalka degmada Afgooye carruur haween iyo dad waayeel ah oo qaba cudurka Duumada.

Cabdi Ibraahiim Abroone waxaa uu u sheegay Radio Daljir in qaar kamid dadkii cusbitaalka lasoo gaarsiiyay ay u geeriyoodeen cudurka Duumada ilaa hadana dhakhaatiirtu ay la tacaalayaan dadka kale ee cusbitaalka lasoo gaarsiiyay.

Cudurka Duumada ee ka dilaacay gobolka Sh/Hoose ayaa saraakiisha caafimaadku sheegayaan inuu yahay mid dadku ay u dhimanayaanislamarkaana uu yahay mid aan horey loogu arag gobolka.

Bashiir Ahmed Abdi
Radio Daljir. http://daljir.com/


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com