Cudurka Daacuunka oo Shan Qof ku Dilay Wajeer

Bursaalax, 29, March, 2016-(Daljir)_Shan qof ayaa la xaqiijiyey inay Cuddurkaasi ugu geeriyoodeen Deegaanka Saarif ee Koonfurta Degmadda Wajeer, xilli uu cuddurkaasi ka dilaacay Wajeer.
 
Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalladda Maxaliga iyo Xarumaha Karantiilka Koleeraha ee CTC ayaa sheegay inuu cuddurku soo riday dad badan, kuwaasi oo soo garayo goobaha caafimaadka si looga daaweeyo cuddurkaasi dilaaga ah.
 
Waxaa laga cabsi qabaa inuu cuddurku si xawli ah u faafo, iyadoo ay sare u kacayaan Bukaanadda uu soo ridanayo iyo Xarumaha Daaweynta oo buux dhaafay.
 
Xildhibaanka  Barlamaanka ee laga soo doorto Wajeer, C/llaahi Diiriye ayaa ka codsaday Dowladda Kenya inay ka taageeraan Dolwad-gobaleedka Wajeer sidii loo xakamayn lahaa cuddurkaasi.
 
Bishii July ee sannadkii hore ayuu cuddurka Daacuunka ka dillaacay Wajeer, iyadoo ku-dhawaad 2,000 oo qof laga daaweeyey cuddurkaasi, iyadoo 400 Bukaan ka yimaadeen Wajeerta Koonfureed, halka 205 kalena ka soo jeedaan Deegaanka Saarif.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com