Cudurka Covid-19 oo soo laba kacleeyay

Mexico waxay sheegtey 46,688 kiisaska Corona virus , taasoo ka sarreysey Boqortooyada Ingiriiska si ay u gasho tirada saddexaad ee ugu sareysa adduunka ee COVID-19.

Vietnam ayaa diiwaangelisay tiraddii ​​labaad ee coronavirus iyadoo waddanku la dagaallamayo Cudurka Corona Virus , waxaana kiisaska ugu badan laga helay magaalada Danang.

Spain waxa ay soo sheegtay maalin labaad oo ah 1000- kiisaska infekshinka coronavirus, waana tii ugu sarreysay tan iyo markii xukuumada xayiraadda ka qaadday bishii Juun.

Dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Tripoli ayaa ku dhawaaqday inay ku soo rogi doonto xannibaado buuxa meelaha ay ka taliso, ka dib markii ay kordheen kiisaska COVID-19.

In ka badan 17.4 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus’. In ka badan 10.2 milyan oo bukaan ah ayaa soo kabsaday, ugu yaraan 677,000 ayaa ku dhintey, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com