Cudurka covid-19 oo ku faafay degaano ka tirsan jubbada Hoose

Cudurka covid-19 oo ku faafay degaano ka tirsan jubbada Hoose

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faah faahiyey kiisas la xiriira Cudurka Coronavirus ee laga helay deegaannada maamulkaas,iyaga oo sidoo kale sheegay in deegaanadooda uu ku faafayo Cudurka.

Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleedka Jubbaland ahna guddoomiyaha Guddiga ka hortagga Cudurka Covid-19, Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafayla baaray 74 Ruux balse ay diiwaan geliyeen 34 xaaladood oo cusub oo la xiriira cudurka Covid-19.

Waxaa uu sheegay in dad badan ay qabaan in cudurka uu kasii yaraanayo deegaannada Jubbaland,isla markaana ay ka tageen inay qaataan talooyinka Caafimaad,balse taasi aan waxba ka jirin,isla markaana cudurka uu yahay mid kusii faafayo deegaannada Jubbaland.

Dhamaan dadka ku nool deegaannada Jubbaland ayuu ugu baaqay inay qaataan farriimaha iyo talooyinka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland,si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com