Cudurka Coronovirus soo gaaray dalalka Sacuudiga iyo wadamo kale

Cudurka Coronovirus soo gaaray dalalka Sacuudiga iyo wadamo kale

Cudurka Coronovirus oo ku sii baahaya caalamka ayaa waxaa bukaano qaba cudurkaas laga helay dalalka Saudi Arabia, Jordan, Tunisia iyo Senegal.

Wasaarada Caafimadka Sacudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday in qofka laga helay cudurka Coronovirus inuu ka yimid dalka Iran isagoo soo maray dalka Baxreyn.

Baaritaan lagu sameeyay qofkaan ayaa lagu ogaaday inuu qabo cudurkan waxaana sidoo kale la baaray dhammaan dadkii uu la kulmay markii uu soo galay dalka Sacudi Carabiya iyadoo aan weli natiijada la helin.

Tirada dadka u dhintey dalka Iran ayaa waxaa ay gaartay 66 taasoo ah tirada ugu badan caalamka marka laga reebo dalka Shiinaha oo cudurkan ka soo bilowday.

Dalka Qadar ayaa afar ruux oo kale laga helay cudurkan iyadoo guud ahaan tirada dadka qaba cudurkan ee joogta Qadar ay gaartay Toddobo ruux.

Inkabadan 89,000 oo ruux oo ku kala nool illaa 58 dal ayaa laga helay cudurkan waxayna tirada dadka ee u dhintey ay ka badan yihiin saddex kun oo ruux.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com