Covid-19 oo soo laba kaclayeey & Jabuuti oo xayirad Cusub soo rogtay

Covid-19 oo soo laba kaclayeey & Jabuuti oo xayirad Cusub soo rogtay

Dalka Jabuuti, waxaa ka dhaqangelay amar lagu joojiyay isu socodka Xuduudaha muddo 15-cisho ah, si loo xakameeyo Xannuunka Coronavirus oo kiisas horleh laga diiwaangeliyay waddankaas.

Xukuumada ayaa sheegtay in ujeedka ay ka leedahay uu yahay ogaanshaha, halka uu kasoo laba-kacleeyay xannuunka Covid-19 oo kiisas cusub laga diiwaangeliyay qaybaha kamid ah Jabuuti.

Muumin Axmed Sheekh Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan muddada 15-cisho ah ee laga joojiyay isu socodka xuduudaha.

Muumin ayaa sheegay in muddadaas kooban lagu qiimeynayo xawaaraha cudurka, maadaama ay kala garan la’yihiin in sababta kordhineysa ay tahay isu gudubka dadka iyo in xannuunka uu weli gudaha ku dambeeyo.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com