Colaadda Ukraine: Vladimir Putin oo qaaday tallaabadii ay reer Galbeedka uga digayeen

Madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in “xilligii shidaalka iyo saliidda Ruushka ee uu Yurub ku gumeysanayay” uu sii dhamaanayo.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shirkadda tamarta Ruushka ee Gazprom ay sheegtay in ay joojisay gaaskii ay u dhoofin jirtay Poland iyo Bulgaria.

Hogamiyayasha siyaasada ee Warsaw iyo Sofia ayaa sheegay in talaabada Moscow ay la macno tahay “Mugdi”.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku adkeystay in Moscow ay weli tahay dal tamar la isku halayn karo, wuxuuna sheegay in Ruushka tallaabada uu qaaday ay ku khasbeen waddamada reer Galbeedka.

Laakiin wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Poland, Marcin Przydacz, ayaa BBC u sheegay in Ruushku uu doonayo in uu “kala qaybiyo” ka dhex abuuro xulafada reer galbeedka.

Joojinta shirkadda Gazprom ayaa ka dambeysay kadib markii Poland iyo Bulgaria ay diideen inay ku bixiyaan gaaska lacagta Ruushka ee Rubles.

Bishii hore, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa go’aamiyay in dhammaan lacagaha tamarta lagu bixiyo lacagta Ruushka.

Talaabadan oo loogu talo galay in lagu soo xoojiyo lacagta sii liicaysa ee ay cunaqabataynta reer galbeedku ku soo rogeen, ayaa waxa si adag uga hortagay wadamada reer Yurub.

Bayaan ay maanta soo saartay, shirkadda Gazprom waxay ku sheegtay inay “gebi ahaanba hakisay gaaska ay siin jirtay Poland iyo Bulgaria” iyadoo la tixraacayo wareegtada uu soo saaray Mr Putin.

Shirkadda gaaska ee dawladda Poland ee PGNiG ayaa xaqiijisay in Gazprom sahaydii ay u keeni jirtay dalka la joojiyay waxayna ka digtay inay “xaq u leedahay inay magdhow raadsato” ayna isticmaali doonto “dhammaan cadeymaha qandaraasyadii ay galeen “.

Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa sheegay in “tallaabooyin sharci ah oo ku habboon” laga qaadi doono shirkadda Gazprom.

PGNiG waxay iibsatay 53% gaaska Gazprom 3-dii bilood ee hore ee sanadkan, laakiin Warsaw waxay sheegtay inay gaas ka heli karto ilo kale.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com