Col. Nadaara, Taliye ku xigeenkii ciidanka booliska Puntland oo lagu aasay Garowe.

?

Garowe, July, 03 ? Allaha u naxariistee waxaa maantay aas qaran loogu sameeyay magaalada Garowe taliye ku xiggeenkii ciidanka booliska Puntland Col: C/llaahi Saalax (Nadaara) kaddib markii xalay ay dagar-qabayaal aan haybtooda la aqooni ku toogteen afaafka hore ee hotel Bulshaale oo ku yaala magaalada Garowe.

Aaska marxuunka ayaa waxaa maantay kasoo qayb-qaatay masuuliyiinta dawladda Puntland oo uu ugu horeeyo M/kuxiggeenka Puntland General C/samad Cali Shire, wasiiro, xildhibaanno, saraakiil amni, iyo qaybaha bulshada ee Garowe.

Warar madax-bannaan ayaa ku waramaya in maalintii shalay ahayd uu xilka ka qaaday marxuunka kuxiggeenka madaxwaynaha Puntland General C/samad, waxaana illaa xilligaan aan la aqoon jihada rasmiga ah ee ka dambaysa dilka marxuunka, inkastoo hay,adaha amnigu sheegeen inay wadaan baaritaanno lixaad leh.

Diiwaanka Wararka

Daljir Garowe.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com