COD-Xildhibaan Cabdi Barre oo eed kulul u jeediyey xubno katirsan xukuumadda Puntland.

Garoowe, Nov 04 2016–Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf  Jamriil oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland  oo Maanta  lahadlay  Radio Daljir ayaa Waxa uu kahadlay soo xulista Xubnaha  Aqalka Hoose ee Puntland umatalaya doorashada soomaaliya iyo  cabashada kasoo yeeraysa Qaar kamid ah Beelaha dagan  deegaanada Puntland.

Xildhibaan Cabdibare  Yuusuf jabriil ayaa sidookale Waxa uu xubno katirsan Golahiisa Wasiirada Puntland ku eedeeyay in ay  gacan saar la leeyihiin una ololeeynayaan Madaxweynaha xil hayntiisa Dastuuriga ah ay dhamaatay ee  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  isagoona sheegay in Wakiilo uu soo dirsaday Xasan sheeq Maxamuud ay ku suganyihiin  haatan  Magalaada Garowe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com