HomeUncategorized

Ciyaaraha gobollada Puntland oo galay maalinta 2-aad; Sool v. Mudug oo ciyaaraya galabta.

Caption ...

Mudug & Bari oo u gudbay wareega 2-aad ee ciyaaraha gobollada; Bakool & Gedo oo ku haray wareega 1-aad.
Qodobadii ka soo baxay shirkii wada-tashiga Muqdisho oo La Faah-faahiyay
RW Cumar oo Cadaado ka Furay Wajigii Labaad Ee Shirka Maamul u Samaynta Gobolada Dhexe

Garowe, Feb, 02 ? Ciyaaraha gobollada Puntland ayaa maantay galay wajigii 2-aad, waxaana maantay garoonka kubbada cagta ee Mire Awaare qaybta hore kuwada ciyaaraya gobollada Mudug iyo Sool, halka qaybta dambe ee ciyaartana ay wada-ciyaari-doonaan gobollada Haylaan iyo Karkaar.

Taageerayaal aad u fara-badan ayaa kusoo qul-qulaya magaalada Garowe si ay xulalka goboladooda codka taageeraha ula qayb-sadaan.

Garoonka Mire Awaare ayaa waxaa hadda ku sugan wariyaasha radio Daljir oo iyagu tabinaya had-ba heer-ka ay marayaan ciyaaraha gobolladu, waana koobkii 6-aad oo xulalka gobollada Puntland loo qabto tan iyo markii la aas-aasay dawladda Puntland 1998.

Waxaana aad loo adkeeyay ammaanka guud ee garoonka Mire Awaare, iyadoo ay halkaasi ku sugan-yihiin cutubyo kale duwan oo ka tirsan laamaha nabad-galyada ee caasumada Puntland oo iyagu isha ku haya cid-kasta oo ay uga shikiyaan arrimo la xiriira dhanka nabad-galyada.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: