Ciyaaraha Gobolada Bari iyo Sanaag & Philip Coutinho oo Barca noqday (dhegayso)

Ciyaaraha Gobolada Bari iyo Sanaag & Philip Coutinho oo Barca noqday (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL –  Share Your World

Garoonka weyn ee Bossaso waxaa ka socda tartanka ciyaaraha degmooyinka gobolada Bari iyo Sanaag. Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga siddeed-dhammaadka koobka kaddib markii la soo gabagabeeyey heerka guruubyada. Ciyaartii ugu horaysay waxa ay dhexmartay kooxda ku ciyaaraysay magaca degmada Bossaso iyo kooxda degmada Buraan, waxaana wareega afar-dhammaadka u soo baxay degmada Bossaso.

Dhankaas iyo Premier League-ga, kooxda Liverpool ayaa ugu danbeyn aqbashay dalabkii ka yimid kooxda Barcelona ee ciyaaryahanka Philippe Coutinho. Tababraha kooxda Arsenal, Jurgen Klopp, ayaa yiri, “Coutinho waayahaan oo dhan waan ka fujin weyney dalabkiisa Barcelona, waana uu nagu khasbay in aan wareejino, waana meesha kaliya ee uu ku faraxsanaa, uuna reerkiisa la rabay. Wax kasta waan isku deynay iyo sidii uu ugu waari lahaa Liverpool, laakiin nooma ay suurtoobin.”

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

       

  

       

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com