Ciidanka Suuriya oo horumar ka sameeyey dagaalka gobolka Aleppo.

Suuriya, Aug 10 2016–Ciidamada dowladda Suuriya oo kaashanaya Xuluufadooda ayaa ku guulaystay inay dib u qabsadaan deegaamo kuyaal waqooyiga koonfureed ee gobolka Aleppo, halkaasi oo ay beryahaan maamulayeen dagaalyahanada Mucaaradku. 

Television-ka laga leeyahay dalka Lubnaan ee al-Manar and al-Mayadeen, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Suuriya ay gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ilaa xalay ay horumar ka sameeyeen dagaalkaasi. 

Gobolka Aleppo ayaa waxa uu kamid yahay gobolada ugu muhiimsan ee ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda Suuriya iyo xuluufadeeda uu Ruushku hormuudka kayahay.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com