Site icon Radio Daljir

Ciidanka Puntland oo Gaarey Deegaanka Karin iyo Howlgalo Kadhan ah Daacish oo Socda (dhegayso)

Ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan aagga Qandala ayaa gaaray tuulada Karimo oo 45km u jirta magalaada Qandala ee gobolka Bari, halkaasi oo kooxda Daacish nin shacab horay dil ugu gaysatay.

Guddoomiyaha degmada Qandala ayaa u sheegay Radio Daljir gaaritaanka ciidamada ee deegaanka in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka iyo ka bixista kooxda.

Waxaa uu ugu yeeray shacabka in ay la shaqeeyaan dowladda sidii kooxdan looga saari lahaa meelaha ay joogaan. Guddoomiyaha oo la waydiiyay sida degmada ay u saamaysay dhaqaalaheeda duulaanka Daacish ayuu sheegay inuu si wayn u saameeyey xijiyaha deegaanka caanka ku yahay.

Maxamud Cabdi Ibrhim ayuu u waramay

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/49193/59576806fd00002576d12e94/Gud+degmada+Qandala+Jaamacd+Maxamed+Quurshe.MP3?_=1
Exit mobile version