Ciidanka PSFta Puntland oo burburiyey saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen buuraha Calmadow.

Ciidanka PSFta Puntland oo burburiyey saldhigyo  ay Al-shabaab ku lahaayeen buuraha Calmadow.

Ciidanka ammaanka Puntland ee PSF ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisimo malayshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen buuraleeyda Calmadaw, kadib howlgallo xoogan oo ay ka sameeyeen deegaamo katirsan gobolka Bari ee Puntland.

War kooban oo ciidanka PSF ka soo baxay ayaa waxaa lagu shaaciyey in howlgallo laga fuliyey degaannada  Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow, in lagu gubay godad ay Al-shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka, islamarkaana looga burburiyay saldhigyo ciidan.

“Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tuulada Madarshoon ayaa ciidanku sheegeen inay ka saareen miinooyin ay halkaasi ku aaseen malayshiyaadka Al-shabaab “Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab”

Sawiro.


FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com