Ciidanka PSF oo Burburiyey Fariisimo Argagixisadu ku Lahayd Buuraha Galgala

Wararka laga helayo Buuraha Galgala ayaa sheegaya in ciidamada PSF ee Puntland burburiyeen 2 saldhig oo ay buuraha silsilada Golis ku lahaayeen kooxo ka tirsan Ururka Alshabab, kaddib hawlgal ay ka sameeyeen 6 July 2017 inta u dhaxaysa deegaanada Madarshoon iyo Diindigle

Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in hawlgalkooda ku dileen ilaa 12 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Alshabab

Waxay intaas ku dareen Saraakiishan oo ka gaabsadey magacyadooda in la shaaciyo saldhigyada la burburiyay inay Alshabab ku lahaayeen qarar ku yaala deegaanada Madarshoon iyo Agagaarka Deegaanka Diindigle.

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com