Ciidanka NISA oo sameeyay howlgallo dad lagu qab qabtay

Ciidanka NISA oo sameeyay howlgallo dad lagu qab qabtay

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgallo lagu xaqiijinayay amniga waxaa ay ka sameyeen qaar ka mid ah xaafadaha Degmadda Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan, dadweynaha qaar, iyaga oo mararka qaar baaritaano ku sameeynayay Guryo bartilmaameed u ahaa Ciifamada.

Saraakiisha Ciidamada NISA ee howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa sidii loo xaqiinin lahaa amniga degmada, isla markaana lagu soo qabtay Dhalinyaro lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi soonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degmada iyo degaannada hoostaga, si Bulshada degmada ay nabad iyo amni ugu noolaadaan.

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo oo dhowr jeer ay ka dhaceen dagaalo ayaa hadda waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com