Ciidanka Kenya oo sheegay inay dileen Ciidan kale oo katirsan Alshabaab

War ay soo saareen Ciidamada dalka Kenya ayey ku sheegeen in deegaanka Linda Boni ay ku weerareen koox ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kuwaasoo la tuhmayo iney ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay deegaanka Ijara ee gaarisa.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 5 kamid ah ururka Al-Shabaab,halka intii kale oo qaarkood ay dhaawacyo qabeen u baxsadeen deegaanka Sariira oo 26km u jira Waqooyiga Baure ee dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa qoraalka kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in askartooda oo ku daba jiray maleeshiyaadka Al-Shabaab ay wadada isku heleen iyagoo isku dayaya in u baxsadaan dhinaca xuduuda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya sidoo kale waxa ay sheegeen in maleeshiyaadka Al-Shabaab kasoo furteen 5 qori oo nooca AK 47 ah,rasaas,laba bam oo nooca gacanta laga tuuro ah iyo agabyo kale oo ay wateen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com