Ciidanka Itoobiya oo baneeyey Halgan iyo Alshabab oo lawareegtey.

Beledweyne, Oct 23 2016–Wararkii ugu dambeeyey ee aan kahelayno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleyshiyaadka Alshabaab la wareegeen deegaanka Halgan ee duleedka Beledweyne.

Boqolaal ka Tirsan dagaalyahanada Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan  ayaa saakay lagu arkayaa deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka bexeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFS.

Dhowaan ayey ahayd markii Alshabaab ay qabsadeen deegaanka muhiimka u ah xeeladaha dagaal ee gobolka aHiiraan ee Ceel-cali oo ay ciidanka Itoobiya baneeyeen.

Ilaa hadda DFS iyo AMISOM kama hadlin sababaha keenay in ciidanka huwanta ah bilaabeen bilihii ugu dambeeyey banaynta fariisimadii ay kusugnaayeen oo Alshabaab lawareegtey.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com