Ciidanka dowladda iyo Alshabab oo ku dagaalamay deegaanka Muuri ee Sh.hoose.

Jowhar, Sep 15 2016-Wararka aan saaka kahelayno deegaanka Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ururka Alshabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo Daljir xiriir lasamaysay ayaa waxa ay sheegeen in deegaankaasi ay saacado kooban gacanta kuhayeen maleeyshiyaadka ururka Alshabaab oo dagaal kooban uga qabsaday dowladda Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa lasheegayaa inuu saaka arroortii kadhacay deegaankaasi Muuri dagaal kale oo ugu dambayntii sababay in deegaanka ay dib u qabsadaan ciidanka dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com