Site icon Radio Daljir

Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Gedo,Feb 5 -Xaaladda degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay kadib dagaallo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Luuq habeenkii xalay.

Masuuliyiinta dowladda KMG ah Soomaaliya ee gobolka Gedo oo aan xiriiro la samaynay ayaa sheegay dagaalkii xalay ka dhacay degamada Luuq inuu yimid kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab katirsan ay soo weerareen fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Kuur oo hoostimaada degmada Luuq.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya dagaalkii xalay inay ku dhinteen dad ka badan 10-qof oo kakala tirsan dhincyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garabsanaya ciidamada Kenya ayaa wada howlgallo kadhan ah Al-Shabaab oo looga sifeynayo deegaanada gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo ay katliyaan.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

Exit mobile version