Ciidanka dawladda Soomaaliya oo hawl gallo ammaan xoojina ka sameeyay Afgooye.

Afgooye, Dec, 26- Ciidanka ammaanka DF ee Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka Amisom ayaa hawlgallo lagu xoojinayo amniga ka bilaabay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.


Guddoomiyaha degmada Afgooye C/llaahi Cumar Iideey oo la hadlay warbaahinta afka dawladda ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka sameeyeen deegaanno hoos taga Afgooye oo ay ka mid tahay Mareerey.


Hawlgaladan ayaa yimid ka dib markii degmadaasi ay ku soo bateen kooxo dhalinyaraa oo caadaystay inay falal wax u dhimayo amniga ka gaystaan deegaanka iyagoo waliba ku labisan diraysa ciidanka dawladda.


Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka? deegaanka uu kula taliyay in ay iska celiyaan kooxahaasi,? iyadoo hubkooda loo sharciyeeyay ayuu yiri isla markaana ay si wadajir ah isaga kaashan doonaan burburinta kooxahaasi.

Diiwaanka Wararka Daljir

Afgooye

(S)
?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com