Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska DDANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanka Baqdaad oo kuyaal inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo saldhig weyn ay kulahaayeen Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayey Abaanduullaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Aadan Jeelle, waxaana uu sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee degaanka Baqdaad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka ay weli siiwadaan kuna raadjoogaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isaga baxay degaanka Baqdaad.

Howlgalkan Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen degaanka Baqdaad ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Millateriga qeybta 27aad ay howlgallo ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com