Ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay khamri farabadan (Sawiro)

Ciidanka Booliska Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay khamri farabadan (Sawiro)

Howlgal Ciidanka Booliska Magaaladda Dhuusamareeb ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaaladaasi ayey ku soo qabteen Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo Dadkii ka Ganacsanayey oo gaaraya ilaa Seddex Qof, waxaana lagu hayaa Saldhiga Booliska .

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareb Gaashaanle C/laahi Xassan Macallin ayaa Warbaahinta uga warbixiyey Howlgalka iyo Waxyaabaha ay ku soo qabteen, waxaana uu xusay in Kiiskan loo soo xiray Dadkii ku lugta lahaa, Maxkamadna la soo hortaagi doono, isaggoo ka digay in Magaaladda la soo galiyo Muqaadaraadka, Tilaabana laga qaadi dooni Qofkii lagu arko ama lagu soo qabto.

Guddoomiyaha Magaaladda Dhuusamareb Macallin Nuur Cilmi Cabdulle ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada uga Mahad celiyey ka hortagista waxyaabahaan Maandooriyaha ah, waxa uuna Bulshada uga digay Falalka la xiriira ka Ganacsiga iyo isticmaalka Mukhaadaraadka, sidoo kalana waxa uu Bulshada ku wargaliyey inay Maamulka iyo Laamaha Ammaanka la soo socod siiyaan Dadka ay Guryaha ka ijaaranayaan, si looga hortago Waxyaabaha keeni kara Amni darrada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com