Ciidanka badda Shiinaha oo dhaqdhaqaaqyo ka sameeyey xeebaha lagu muransan yahay.

(July 09 2016)-Ciidamada badda ee dalka Shiinaha ayaa waxa ay dhoolatusyo xoogan ka sameeyeen qaybo kamid ah badda koonfurta dalkaasi oo ah goob ay mudo ku muransanaayeen xukuumadda Beijing iyo dalalka deriska la ah.

War qoraal ah oo maanta oo sabti ah lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dalkaasi ayaa wasaaradda difaaca dalkaasi kusheegtay in maraakiib dagaal oo ka kala yimid Bariga, Waqooyiga iyo koonfurtu ay ka qaybgaleen dhoola tuskaasi ciidan.

Xukuumadda Beijing waxa ay sheegtay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay samaysan aysan ku luglahayn wax cabsigelin ama dagaal hurin ah laakiin uu qayb kayahay shaqada ciidan ee caadiga ah.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey ahayd markii kuxigeenka kaaliyaha xoghaya difaaca Maraykanka ee bariga Asia Abraham Denmark, uu ugu baaqay Shiinaha iyo dalalka deriska la ah ay 12 July kulan arrimahaasi kayeeshaan.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com