Ciidanka Badda Puntland oo qabtay Markab Shamiito Dhacday ku daadiyey Xeebaha Puntland (Dhegayso)

?

Boosaaso Nov 18, Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada Bilayska Badda ee Puntland ay qabteen Markab nooca Xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kuuriyadda Waqooyi oo Shamiito Dhacday ku daadiyey deegaanka Buur & Bacaad ee gobolka Bari.
?
Markabkan oo la sheegay inay saaran yihiin 33 qof oo shaqaalle ah kuwaasoo u dhashay dalka Kuuriyadda Waqooyi ayaa markiisii hore kasoo shiraacday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta isagoo ku wajahnaaayaa ?Muqdisho ayaa markii u tegey Muqdisho waxaa la sheegay inuu diidey macmiilkii lahaa Shamiitadda dhacday islmarkaana uu dib uga soo noqday.
?
Shaqaalaha Markabkan ayaa isku dayey inay Badda Puntland ku daadiyaan Shamiitadda Dhacday iyadoo ay ka warheleen ciidanka Badda Puntland gacantana ay kusoo dhigeen
?
C/risaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay inay sharciga horgeynayaan Markabkan & Shaqaalaha saaran iyadoo lagu qaadayo sharciga wadanka & xeerarka caalamiga ah.
?
Dhinaca kale Ciidanka Bada ee Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay Dooni ay wateen dad Soomaali ah taasoo la sheegay inay dalka Yemen Tahriib u qaaday kadibna kasoo laabatay.
?
Ciidanka Badda Puntland oo la aasaasay sanadii 2010 ayaa mudooyinkii danbe shaqooyinkooda si rasmi ah u bilaabay iyagoo hawlgalo badan oo ay kasameeyeen xeebaha Puntland kusoo qabtay Burcad Badeed, Argagixiso & Maraakiib aan sharciyeysnayn.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com