Site icon Radio Daljir

Ciidanka Amniga Puntland (PSF): “Waxaan dilnay 41 al-Shabaab kuwii xalay weeraray Ballikhadar”

Qoraal aan ka soo xigannay Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee barta Facebook ayaa Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxa ay ku baahiyeen in hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen degaanka Maraje ee Buuraha Cal Madow.

Hawlgalka ayey ciidanka PSF ku beegsadeen kagana dabatageen dagaallamayaal ka tirsan cadowga Al Shabaab oo ku sugnaa Togga Maraje, ahaana jawaab-celin weerar ay xalay Al Shabaab ku soo qaadeen xero ciidanka PMPF ee degaanka Balikhadar.

PSF ayaa shaacisey in intii hawlgalkani socday ay ciidanka PSF ka dileen cadowga Al Shabaab 41 kamid ah Al-Shabaabkii xalay weerartay Ballikhadar, waxaana laga dhaawacay Al Shabaab 32 xubnood.

Xiriir aan la samaynay laamaha ammaanka ee Puntland waxa ay ku sheegeen in berri ay soo bandhigi doonaan meydadka, dhaawacyada, iyo kaararka aqoonsiga ee ay wateen dagaalamayaasha al-Shabaab ee qaarna la laayey qaarna dhaawac lagu qabtay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Exit mobile version