Ciidanka Ammaanka oo Garoowe Ku Soo Bandhigay Khamri iyo Dadkii Watey (Sawirro)

Ciidanka Ammaanka oo Garoowe Ku Soo Bandhigay Khamri iyo Dadkii Watey (Sawirro)

Laamaha ammaanka ee gobolka Nugaal oo kaashanaya ciidanka la dagaalanka argagixisada iyo daroogada Puntland ayaa xalay magaalada Garoowe ku qabtay khamri aad u badan iyo dadkii wadey.

Khamridaani oo lagu shubay si aan loo garan jirigaamada biyaha lagu dhaamiyo iyo weel kale oo haamaha Gaasku kamid yihiin ayaa ciidanku ku soo qabteen mid kamid ah guryaha magaalada Garoowe iyadoona sidoo kale ciidanku ay qabteen raggii gacanta kuhayey.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Nugaal gaanshaanle dhexe Ibraahim Maxamed Cabdi ayaa uga digay cid walba oo gacmaha kula jirta fal caynkaan oo kale ah inay tilaabo adag ka qaadidoonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ciidanka kusoo wargeliyaan waxyaabaha halista ku ah  bulshada sida Qamrigaan oo kale.

SAWIRRO

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com