Ciidanka AMISOM oo toogtay Askar DFS katirsan

Iska Hor imaad dhexmaray Ciidamada Dowladda gaar ahaan Nabad sugidda iyo Kuwa AMISOM Ayaa ka dhacay Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhacdadaan ayaa si gaar ah ugu dhacday Goob lagu baaro Gawaarida Gasha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, Ciidamada Dowladda ayaa xiligaas wadada u xirneed, waxayna Ciidamada AMISOM u sheegeen in wadada ay xiran tahay.

Ciidankii AMISOM ee lagu amreen in ay dib u laabtaan, maadaama wadada ay xiligaasi xirneed ayaa ka dhego fureystay amarkaas, waxaana durba bilawday iska hor imaad Nabad sugidda iyo AMISOM dhexmaray.

Inta la xaqiijiyay 3 Askari oo katirsan ciidamada Dowladda ayaa geeriyootay, Waxaana ku dhaawacmay askar kale, dhanka AMISOM Lama sheegin Khasaara gaaray Ciidamadooda, waxaana mid kamid ah Gawaaridooda waxyeelo gaarsiisay Bam la sheegay in uu ku tuuray Askari katirsan Ciidamada Dowladda, iska hor imaadka kadib.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com