Site icon Radio Daljir

Ciidanka AMISOM oo madaafic ku garaacay degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose

Guddoomiyaha deegaanka Shalan-bood Nuur Cismaan Raagge ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay madaafiic ku garaaceen xaafado ka tirsan deegaankaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in xalay Ciidamada AMISOM ay duqeeyeen xaafado shacab degan yihiin, kaddib markii qarax miino lala eegtay kolonyo ay wateen.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo wareysi siiyay idaacada Kulmiye ayaa sheegay in aanay ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas, balse saaka ay ku bixi doonaan xaafadihii madaafiicda ku dhacday, si ay u soo qiimeeyaan.

Deegaanka Shalanbood ayaa ka mid ah deegaanada ay gacanta ciidamada dowladda, isla markaana ay duleedka deegaankaas ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Exit mobile version