Ciidan tababar ku soo Qaatay Carmo oo Garowe la Keenay

Axad, November 01, 2015 (Daljir) — Maamulka gobolka Nugaal taliska qaybta booliska gobolka Nugaal iyo saraakiisha laamaha kala duwan ee booliska ayaa magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey cutubyo katirsan ciidamada booliska gobolka Nugaal oo tababar kusoo qaatay kulliyadda tababarka ciidamada booliska ee Carmo.

Ciidamadaan oo casharo kala duwan lasoo barayey mudo 45 cisho ah ayaa waxa ay qoob kaciyaar kusoo bandhigeen wadada laamiga ah ee magaalada Garoowe kahor inta aysan taliska qaybta boliska gobolka kula hadlin taliyaha qaybta iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha ururka haweenka Puntland Khadro Jaamac Warsame oo ka qaybgashay soodhoweyntii loo sameeyey ciidamadaan ayaa tilmaamtay in haweenku ay diyaar u yihiin inay ciidamada booliska shaqadooda ku gacansiiyaan.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa tilmaamay in ciidamada boolisku ay heleen tababar ay mudo sugayeen loona baahan yahay in wixii ay soo barteen ay bulshada ugu adeegaan.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa tilmaamay in ciidamada boolisku ay hawlgeli doonaan dhammaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Nugaal, ayna shaqada ugu horaysa ka bilaabi doonaan degmada Burtinle.

Ciidamadaan booliska ee lagu soodhoweeyey magaalada Garoowe ayaa qayb ka ahaa in kabadan 500 oo askar boolis ah oo dhowaan kulliyadda tababarka ciidamada booliska Soomaaliyeed tababar carbin ah kusoo qaatay.

By: Abdirashid

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com