Ciidan ku biiraya AMISOM oo imtixaan ku galay Uganda

Dowladda Uganda ayaa Imtixaan ka qaadday 326 Saraakiil Boolis ah kuwaas oo Imtixaanka kaddib la filayo in ay ka mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Grace Turyagumanawe, oo ah agaasimaha Howlgalka nabadda Ciidanka Uganda ayaa sheegay in Saraakiishaas Imtixaan Afka ah laga qaaday islamarkaana midka Qoraalka ah uu u socdo.

Waxa uu sheegay in iyada oo laga duulayo Boolis tayo leh oo dhisa Booliska Soomaaliya,Askarta ku guuleysata Imtixaankan loo dirayo Soomaaliya si ay u tababaraan Booliska Somalida.

Waxaa uu intaas ku daray in marka Imtixaankan uu u dhamaado Askarta guuleysata la bari doono wadidda Gaadiidka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah AMISOM kaddibna loo daabulayo Soomaaliya.

Aderemi Adeoye,, oo ah isku duwaha Mashruuca taageerrada Nabadda ee qeybaha kala duwan ee Midowga Afrika ayaa sheegay in Askartan la barayo dhisidda iyo tababaridda Booliska,ka qeybqaadashada howlgallada Booliska iyo la talinta Booliska Soomaaliya.

Waxaa uu intaas raaciyay in ay leeyihiin waqti cayiman,marka ay dhameystaanna ay dibu ugu laaban doonaan dalkooda iyaga oo ku hubeysan aqoon dheeraad ah iyo qibrad dhinaca Booliska ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com