Ciidamo loo tababaray badbaada dadka badda kuhafta xeebaha Muqdisho (sawiro)

Ciidamo loo tababaray badbaada dadka badda kuhafta xeebaha Muqdisho (sawiro)

Maamulka garroonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa hirgaliyay ciidamo ilaalo ka qabto garroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhankiisa xeebta xigta, iyadoona howlgalka ciidamadu qayb ka yihiin badbaadada dadka badda ku hafta.

Maxamed Cabdiwahaab hogaaminayay kooxda loo diyaariyay  badbaadinta dadka ku hafta biyaha bad ahadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababara ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday,wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa  ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka,wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda.

 

Wasiirka  gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Hormarinta Garoonk,islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshi laga rabay gaara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com