Site icon Radio Daljir

Ciidamo kawada tirsan dowladda Somalia oo ku Dagaalamay Baraawe

Axad, Janaayo 03, 2016 (Daljir) — Ciidamo ka tirsan dowladda Fadaraalka ayaa maanta uu dagaal ku dhexmaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose,waxaana si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha keenay dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu maalmahan ay is horfadhiyeen, islamarkaana ay qaab beeleed u hubaysan yihiin, walina waxaa socda dagaalka.

Shan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalka 10 kalena ay ku dhaawacmeen,dad goob joogayaala ayaa xusay inay ka cabsi qabaan dagaalku inuu sii socdo.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed ayaa tilmaamay in dagaalku uu socdo, islamarkaana ay wadaan qorshe ay ku joojinayaan, balse ma cadayn sababta ciidamadu isku dagaalayaan.

Dagaalka ciidamada ayaa kusoo aaday xili maalmahan gobolka Shabeelaha hoose ka taagnaayeen xiisad Colaadeed oo u dhaxaysa beelo gobolka wada dega.

 

Daljir.com

Exit mobile version