Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho ku dagaalamay

Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho ku dagaalamay

Ugu  yaraan Labo Askari oo ka mid ah Milatariga Soomaaliya ayaa  la xaqiijiyay in ay dhinteen halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray kaddib markii Ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga dagaallameen.

Dagaalka ayaa ka dhacay Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu dhacay barqanimadii maanta,iyada oo Ciidamada Booliska ah ay weerar ku qaadeen bar Koontarool oo ay kuwa Milattariga Isbaaro u taallay.

Ciidamada Booliska ah ee weerarka geystay ayaa ka socda qeybta Booliska Gobolka Banaadir,waxaana dalbaday Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullahi.

Ciidamada la weeraray ee Milatariga ayaa markii hore goobta loo geeyay in ay ka hortagaan burcad dadka iyo Gaadiidka ku dhici jiray agagaarka MCH-ka Degmada Kaxda,waxaana ay iyaga lacago ka qaadayeen kaliya Gaadiidka Iska rogayaasha ama Carro geddiska loo yaqaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com