Ciidamo kamid ah militariga oo ka baxay oo deegaamo ka mid ah Shabeelada dhexe

Ciidamo kamid ah militariga oo ka baxay oo deegaamo ka mid ah Shabeelada dhexe

Ciidamo kamid ah militariga dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa ka baxay deegaamada Qalimow, Mahadaay iyo Farasaalle oo katirsan gobolka Shabeelada dhexe.

Lama oga ujeedka ka bixidda ciidamadan oo warar kalle duwan ay kasoo baxayaan, halka qaarkood ay sheegayaan inay uga baxeen arrimo mushaar la’aan, halka wararka qaar ay sheegayaan inay uga baxeen arrimo siyaasadaysan, iyadoo ay jiraan mucaarad kasoo horjeeda dowladda jirta oo kasoo jeeda deegaamada ay ka baxeen militariga dowladda.

Ciidamada AMISOM ayaa wali ku sugan deegaamada qaar.

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalmo ka hor sheegay inay dowladdu wado diiwaan gelinta ciidamada, oo ay mushaarkooda bil walba si joogta ah ay u heli doonaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com