Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo Qarax lagula eegtay Buuraleyda galgala ee gobolka Bari

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo Qarax lagula eegtay Buuraleyda galgala ee gobolka Bari

Wararka ay idaacada Daljir ka helayso  Buuraleyda galgala  ee gobolka  bari ayaa shieegaya in qarax miino lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland .

Qaraxan ayaa waxaa lala bar tilmaameedsaday gaari nooca Cabdi bilaha  loo yaqaan oo ay ciidamadu saarnaayeen  kaaso oo ku soo wajahnaa magaalada Bosaaso .

inta laxaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan  ciidamada amniga , kuwaas oo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalka Bandar Qaasim ee magaalada Bosaaso .

 

lama  oga ciidamadan qaraxa lala eegtay qaybta ay ka tirsanaayeen  .balse Buuraleyda galgala ee gobolka bari waxaa Al-shabab ku la dagaalama ciidamada bada ee Puntland qaytooda ladagaalanka argagixisada iyo ciidamada PSFta Puntland.

Al-shabaab ayaa mas,uuliyada qaraxan sheegatay, mana jirto dhanka Puntland wax war ah oo ka soo baxay .

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com