Ciidamo ka tirsan kuwa DFS oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea

Ciidamo ka tirsan kuwa DFS oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in boqolaal askari oo loo soo tababarayo dowladda Federaalka tababar loogu qaaday dalka Eritrea oo sanadkii hore laga qaaday cunaqabateyntii uu saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Sida wararku sheegayaan ciidamada tababarka loogu qaaday Eritrea ayaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa 500 illaa 600 oo askari, kuwaasoo ah Boolis-Milateri iyo Nabadsugid.

Warar qaar ayaa sheegaya in ciidamadan loogu tala galay ammaanka xilliga kala guurka ee dalka uu galayu doorasho, waxaana ka soo baxaya weydiimo kala duwan oo ku saabsan baahida xilligan keentay in Eritrea ciidamo tababar loogu qaado, iyadoo horay u jireen Ciidamo tababaro loogu qaaday Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sanadihii u dambeeyay kumanaan askari lagu soo tababaray.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa is weydiinaya Eritrea oo horay loogu eedeeyay inay taageerto Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, arrintaas iyo arrimo kale darteed ku muteysatay in cunaqabateyn loogu soo rogo iyo in muddo 10 sano ay caalamka intiisa kale ugu jirtay go’doon waxa xilligan ku soo beegay in Ciidamo ay u tababarto Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xiriir cusub oo diblomaasiyadeed, iyadoo bartamihii sanadkii hore uu booqasho taariikhi ah ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, halka Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu Muqdisho booqasho ku yimid bishii December ee sanadkii hore.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com