Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gaaray Gal-gaduud

Somalia, December 15, 2015-(Daljir)_ Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ku soo qul qulayay Gobolka Galgaduud ayaa saaka la wareegay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Maamulka Ahlusuna ee Gobollada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo watay gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo ka sameystay garoonkaas oo maalmihii u dambeeyay xirnaa, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna iyo shirkadaha diyaaradaha oo canshuuro ku kordhiyay shirkadaha.

Ciidamada Itoobiya oo horay ugu sugnaa degmada Guriceel iyo qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, hase ahaatee dadka deegaanka Dhuusa Mareeb ayaa saaka hadal haya ciidamada ku waabariistay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka wafuud ka socota dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug oo ka qeyb galaya shir ka furmi doona Dhuusa Mareeb.

Shir lagu heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusa Mareeb oo ah xarunta Maamulka Galmudug, inkastoo Ahlusuna gacanta ku heyso.

Wada hadalada u furmi doona maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxaa la sheegay inay door ku leedahay dowladda Itoobiya,
Maamulka Ahlusuna ayaa horay u qaadacay Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana labada dhinac u dhex maray isku dhacyo iyo xurguf siyaasadeed.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com