Ciidamo gedoodsan oo la wareegey xarunta barlamaanka Puntland ee Garoowe.

Garoowe, Feb 26 2017-Cutubyo katisan ciidanka difaaca Puntland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa saaka la wareegey xarunta barlamaanka ee magaalada Garoowe.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidanku ay dalbanayaan mushahar ka maqan, waxaana xarunta lasheegay inay ku sugnaayeen kudhowaad 15 mudane oo katirsan barlamaanka Puntland.

Ciidankaan hubaysan ayaa u diidey xildhibaanadaasi inay ka baxaan xarunta ilaa meel la saarayo mushaharka ka maqan, inkastoo aysan jirin cid warbaahinta lahadashay.

La soco wixii soo kordha.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com